Imaaraadka oo qaaday qayb kamid ah daawacyadii Zoobe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Dowladda Imaraadka Carabta ayaa maanta Muqdisho ka qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14 October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho caasumadda Soomaaliya.

Shan kamid ah dadkii ugu cuslaa ee ku dhaawacmay Qaraxaas ayaa shalay loo qaaday dalka Kenya iyadoo la saaray diyaarad caafimaad oo ay soo dirtay UAE.

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda iyo Bisha Cas ee Imaraadka Carabta ayaa garoonka Aadan Cade ku sii sagootiyay dhaawacyada waxaana wehelinayay ehelada dadka dhaawacmay.

Imaaraadka ayaa goor sii horaysay ballan qaaday inay daweyn iyo daryeel caafimaad u samayn doonaan 100 kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe kuwaasoo loo qadayo dalka dibadiisa.


Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay deeqda caafimaad ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana wasiirka Caafimaadka uu sheegay inay tallaabadan ay qayb ka tahay gurmadka Caafimaadka ee waddamada taageera Soomaaliya.


Imaaraadka Carabta ayaa Maalmo ka hor soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho Deeq Dawo iyo Qalab Caafimaad oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ku dhibaatoobay qaraxii Zoobe.


Sidoo kale waxaa la filayaa in Dowlada imaaraadka ay maalmaha soo socda Cafaimaad dibada ah ay u qaado ku dhawaad 30 ka mid ah dhaawacyadii Qarxii Zoobe, kuwaasoo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Sheekh Zaid ee Muqdisho.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Imaaraadku uu taageero buuxda siiyo Soomaaliya oo la daalaa dhacaysa kasoo kabashada dagaalladii sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamadda Ciidamada oo dooneysa in xasaanad laga qaado xildhibaano huriyay colaad

Dastuurka iyo xeerarka dalka ayaa dhigaya in xildhibaan aan maxkamad la horgeyn karin ilaa xasaanaddiisa laga qaado.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 08:14PM

Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 01:25PM