Imaaraadka oo saraakiil looga laayay xero ku taalla Muqdisho

Image
Wararka ayaa sheegaya in falkan uu geystay askari tababar ku qaadanayay xeradaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex ka mid ah saraakiisha tababarka ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhex dilay gudaha Xerada Ciidanka Jen. Gordon ee degmada Hodan, magaalada Muqdushu, labo kalena waa la dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in falkan uu geystay askari tababar ku qaadanayay xeradaas, kaas oo ku dhintay israsaaseyn xigtey weerarkaan. Magaciisa waxaa kasoo baxaya macluumaadyo kala duwan.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa sarkaalka ugu sarreeya ee tababarka ciidanka Imaaraadka ka bixinayay xerada, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Mubaarak.

Weerarka lagu qaaday xerada ciidanka ee Gorod ayaa yimid waxyar kadib markii Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre ay ku dhaliileen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida uu ula tacaalayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, habka loo maareeyay MOU-ga ay la gashay Dowladda Ethiopia gobolka gooni isu taaga ku dhawaaqey, iyo dadaallada loogu jiro midnimada dalka, gaar ahaan xiriirka aan wanaagsaneyn ee ka dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa bogga ay ku leeyihiin baraha bulshada ku soo bandhigtey sawir muujinaya booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho. 

Booqashadan ayaa ahayd mid uu kula soconayo xaaladda saraakiil ka tirsan UAE, kuwaas oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay xerada Gorod halkaas oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa fuliyay weerarkan, waxaana ay caddeeyeen in askariga fuliyay howlgalkan uu iyaga ka tirsan yahay wallow aysan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta oo qoraal soo saartey ayaa xaqiijisay 3 sarkaal oo Imaaraadka u dhashay iyo mid Bahrain kasoo jeeda lagu dilay Toogashada ka dhacday saldhiga Gordon ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM