Imisa Al-Shabaab looga dilay howlgalka duleedka Kismaayo?

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ugu yaraan 12 dagaalame oo kamid ahaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal military oo Ciidamada dowladda Federaalka, AMISOM iyo kuwa Mareykanka ay ka wadaan deegaano ku dhaw Kismaayo, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xooga ee Jubooyinka.

Ismaaciil Saxardiid, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada xooga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkaan oo ka dhacay tuulada Baar-sanguuni ujeedkiisu ahaa in Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay Jubbooyinka ka joogaan.

"Ciidamada xooga oo howlgal ka fuliyay Baar-sanguuni waxay dileen 12 kamid ah argigixisadda Al-Shabaab, qaar kale waa lagu dhaawacay," ayuu Saxardiid ugu waramay warbaahinta dowladda.

Ma uusan sheegin dhankooda uu howlgalkaan uu kasoo gaarey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laakiin, Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkaan waxay sheegeen inay ku dileen dagaalka Labo kamid ah ciidamada xooga, islamarkaana ay iyaga gacanta ku hayaan hadda deegaanka Baar-sanguuni.

Ma jiraan illo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka labadda dhinac ee ku aadan guulaha uu mid walba oo iyaga kamid ah uu ka sheeganayo dagaalkaas ka dhacay Baar-sanguuni.

Dhanka kale, howlgalka Mareykaka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM, oo xaqiijiyay inay qeyb ka ahaayeen howlgalkaan ay ku tilmaamay mid ay garab ku siinayeen ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada xooga oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Mareykan ah ayaa waxay kordhiyeenmudooyinkii dambe howlgaladooda kadib markii Askari Ameerikaan ah lagu dilay Baar-sanguuni 8-dii ibishaan June, halka Afar kale lagu dhaawacay, xili ay Al-Shabaab sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM