Imisa qof ayaa loo qabtay Dilka Xildhibaan Cismaan Boqorre?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in labo ruux loo qabtey dilkii shalay galab Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

Colonel Cabdullaahi Xasan Bariise, oo ah sarkaal sare oo katirsan booliska ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay shaqsiyaad la tuhmayo iyo gaari uu sheegay in loo adeegsaday dilka Xildhibaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka Cismaan Cilmi Boqorre, oo ay fuliyeen labo nin oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo la sheegay inay goobta ka baxsadeen.

Xildhibaanka oo ahaa qofka ugu da'da weyn Gollaha Shacabka, islamarkaan soo noqda gudoomiye ku xigeenka Baarlamaankii KMG ee dowladdii AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Farmaajo iyo mas'uuliyiin kale ayaa cambaareeyay dilka Xildhibaanka, iyagoo faray hay'adaha amanig inay cadaaladda horkeenaan raggii ka dambeeyay.

Xildhibaan ayaa laga soo doortey gobollada Waqooyi Galbeed, waxaana uu sidoo kale katirsanaa Gudiga difaaca Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM