Imisa qof ayaa loo qabtay Dilka Xildhibaan Cismaan Boqorre?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in labo ruux loo qabtey dilkii shalay galab Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

Colonel Cabdullaahi Xasan Bariise, oo ah sarkaal sare oo katirsan booliska ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay shaqsiyaad la tuhmayo iyo gaari uu sheegay in loo adeegsaday dilka Xildhibaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka Cismaan Cilmi Boqorre, oo ay fuliyeen labo nin oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo la sheegay inay goobta ka baxsadeen.

Xildhibaanka oo ahaa qofka ugu da'da weyn Gollaha Shacabka, islamarkaan soo noqda gudoomiye ku xigeenka Baarlamaankii KMG ee dowladdii AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Farmaajo iyo mas'uuliyiin kale ayaa cambaareeyay dilka Xildhibaanka, iyagoo faray hay'adaha amanig inay cadaaladda horkeenaan raggii ka dambeeyay.

Xildhibaan ayaa laga soo doortey gobollada Waqooyi Galbeed, waxaana uu sidoo kale katirsanaa Gudiga difaaca Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM