In badan 600 rayid oo "lagu dilay" Soomaaliya tan iyo Janaayo

Image
Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka dhigtey in Al-Shabaab ay ka dambeysay geerida dadkan rayidka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 613 qof shacab ah ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya sanadkan halka in ka badan 948 kalana ay dhaawacmeen, sidda uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Volker Turk, madaxa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee arrimaha xuquuqda aadanaha, ayaa tibaaxay in uu si xooggan u cambaareynayo khasaaraha dadka aan waxba galabsan.

Turk oo ka dhawaajiyey in rayidkan lagu dilay gudaha Soomaaliya laga soo bilaabo bishii Janaayo ee sanadkan 2022 ayaa hoosta ka xariiqay in maleyshiyaadka Al-Shabaab ay mas'uul ka yihiin geerida rayidkan.

"Tani waxay uga sii dareysaa xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya oo horey u sii ahayd mid aan walwal badan ka qabnay," ayuu carabka ku adkeeyay Volker Turk.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Sanadkan waxaa hoos ugu dhacay dhimashada iyo dhaawaca la diiwaan-geliyey tan iyo 2017-dii. Waxaan aad uga walaacsanahay waxyeelada soo gaareysa shacabka".

Sida ku xusan warbixinta, khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay walxaha qarxa, halka 94% ay geysteen Al-Shabaab, inta kale waxaan ay ka dasheen qaraxyo ismiidaain ay Al-Shabaab sheegaatay.

Turk ayaa ku tartarsiiyey saaxiibada caalamka in ay ku cadaadiyaan dowladda federaalka Soomaaliya in ay ixtiraamto shuruucda caalamka ee ilaalinyaa badqabka dadka shacabka ah iyo rayid la qafaasho ama si guud la afduubto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM