Indhaha Mucaaradka oo kusii jeeda gudoonka Bangiga Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahad Salaad, oo ka mid ah xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa ka hadlay qoraalka uu soo saaray Farmaajo ee uu ku amray gudoomiyaha bankiga dhexe ee dalka in aan la bixin lacag ay leedahay dowladda Imaaraadka oo April 2018 lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa gaar ah ee Facebook ayuu Mahad Salaad ku sheegay in arrinkan lagu kala ogaan doono in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe C/raxmaan Maxamed uu sharciga u hogaansan yahay iyo inkale.

Xildhibaanka oo uu ugu horeyn ka hadlay qaabka ay dowladu ku soo qabatay lacagtan, ayaa sheegay in “markii hore aan sifo sharci ah lagu soo qaban.”

“Sidoo kale hay’adaha garsoorka looma gudbin dacwo la xariirta sharci ahaanshaha ama sharci darada soo gelitaanka lacagtaan. Waxa soo qabtay hay’adda Nabad Sugida, waxaana haya Bangiga Dhaxe, waxayna si toos ah u hoos tagaan hay’adda fulinta ee Ra’iisul Wasaare Rooble madaxda ka yahay,” ayuu hadalkiisa raaciyay Xildhibaanka.

Mahad oo ka mid ah Mudane-yaasha aadka u naqdiya Farmaajo ayaa Qoraalkiisa ku sheegay inaysan jirin meel uga banaan Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ka hadalka lacagtaan balse lagu kala ogaan doono go’aanka uu qaato guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

“Meel Farmaajo ugu banaan ee uu ka soo geli karana ma jirto. Lkn waxaa lagu kala ogaan doonaa Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe inuu u hoggaansanyahay shuruucda dalka iyo in uu jeebka ugu jiro Farmaajo!”

Hadalkaan ayaa yimid ka dib markii Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu shalay ku dhawaaqay in Soomaaliya ay raaligelin buuxda siineyso Imaaraadka una celineyso lacagtaas lagu qiyaasay 9 milyan doolar wallow uusan muddeyn xilliga la celinayo.

Dowladaha xubnaha ka ah Faderaalka ee Puntland iyo Jubbaland ayaa soo dhaweysay go'aanka ay xukuumadda xilgaarsiinta cudurdaarka kaga bixisay dhacdadii 2018-kii garoonka Muqdisho lacagta loogala wareegay Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Ruushka oo La Geeyay Saldhigga Niger Xilli Ay Joogaan Kuwa Mareykanka

Niger, oo ku taal gobolka Sahel ee Afrika, ayaa loo arkaa xudunta cusub…

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 01:00PM

Soomaaliya oo cashar ka baranaysa qorshaha horumarinta da’yarta ee Finland

Wasiirada Dhalinyarada labada dal ayaa yeeshay fadhi labo geesood ah kaas oo diirada lagu saarey qodobo kala duwan.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:21AM