India oo safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa ku dhawaaqdey danjire cusub oo loosoo magacaabay in uu waddankaas ku metelo Soomaaliya, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka ANI, Dr Virander Kumar Paul ayaa kasoo baxay dhamaan shuruudihii Waaxda Arrimaha Dibadda.

Paul ayaa haatan wuxuu yahay danjiraha Hindiya u jooga caasimadda Kenya ee Nairobi, waxaana xilkaas loo magacaabay August, 2020.

Safiirka cusub ayaa bedelaya Rahul Chhabra oo tan iyo December, 2018-kii ahaa ergayga Hindiya ee Soomaaliya balse fadhigiisu ahaa Nairobi.

Dr Virander oo ah waaya arag diblumaasiyadeed ayaa kahor xilka safiirnimo xoghaye ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya. Sidoo kale, wuxuu dalkiisa kusoo metelay waamadda Romania iyo Moldova.

Danjiraha ayaa la filayaa in uu todobaadyadda soo aadan soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si uu waraaqaha aqoonsiga ugu wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Sababo la xiriira xaaladda amni ee Muqdisho oo aan la isku haleyn karin, qaar kamid ah wakiilada dalalka caalamka u qaabilsan Soomaaliya ayaa xarun waxaa u ah Kenya ayaga oo kaliya magaalada u yimaada shirarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM