India oo warbixin kasoo saartey muwaadiniinta "looga haysto Muqdisho"

Image

NEW DEHLI, India – Wasiirka arrimaha dibadda India, Subrahmanyam Jaishankar, ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay waddankooda dib ugu soo celin lahaayeen muwaadiniinta 33-ka ah ee looga haysto caasimada Muqdisho.

Jaishankar ayaa shaaca ka dhigay in ay wadaan dedaalo ay gargaar ku gaarsiinayaan shaqaalahan ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay.

"Wasaaradda arrimaha dibadda iyo howlgalkeena Nairobi waxay u gargaarayaan kana shaqeynayaan sidii u soo laaban lahaayeen 33-ka muwaadin ee ku xayirmay Muqdisho, Soomaaliya," ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter-ka.

Qoraalka ayuu raaciyey: "Howlgalka India ee Nairobi wuxuu talaabo ku haboon isagoo la shaqeynaya mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya".

"Waxaan sidoo kale wadashaqeyn la leenahay safaaradda India ee Soomaaliya. Xal in la helo ayaan rajeynayaa," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Sidda laga soo xigtay warbixino warbaahinta maxaliga ay faafisay, shaqsiyaadkan oo la shaqaaleysiiyey 1-dii bishaan Janaayo waxaa xorriyadda ay ka qaadan yihiin in ka badan sideed bilood isla markaana aysan qaadan mushahar.

Shan iyo labaatan kamid ah xubnahaan ayaa la sheegay in ay kasoo jeedaan degaano kala duwan oo hoostaga gobolka caanka ah ee Utter Pradesh.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda la eedeeyay oo lagu magacaabo SOM Steel Limited ayaan wali wax war ah kasoo saarin warbixinadan. Xukuumadda Muqdisho kama jawaabin codsiyo ku saabsan in ay ka hadasho kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM