Ingiriiska oo hanjabaad u diray maamulka Koonfur Galbeed

Image
Kate Foster ayaa marti ku ahayd Madasha Aragti-wadaaga Garowe Online ee Twitter-ka.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dowladda Ingiriiska ayaa joojin doonta taageerada ay siiso ciidamadda maamulka Koonfur Galbeed haddii ay ku lug-yeeshaan arrimo siyaasadeed, sida ay shaaca ka dhigtey danjire Kate Foster.

Foster oo marti ku ahayd Madasha Aragti-wadaaga Garowe Online ee Twitter-ka ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa daahfuran oo waqtigooda ugu qabsooma si daacad ah.

Sida laga soo xigtey Foster, xukuumadda London waxaa ka go’an in ay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya si dib loogu dhiso ciidamadda qaranka.

"Waxaan ka dalbanayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay ka fekeraan in ka baxsan danahooda gaarka ah," ayay ku tiri nuqul kamid ah hadal-jeedinta ay sameysay.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah maamuladda illaa haatan bilaabay xulista xubnaha Aqalka Hoose. Musharaxiinta madaxtinimadda waxay dureen qaabka ay ku bilaabatay coddeynta ayaga oo dalbadey sixid.

"Waxaan naga go'an in aan ka caawino Soomaaliya in ay dib u dhisto ciidamadeeda, balse haddii ciidanka aan ku tababarno Baydhabo ay ku lug-yeeshaan siyaasadda maxaliga ah, waxaan joojin doonaa tababarka iyo taageeradda waana kasoo bixi doonaa [magaalada]," ayay raacisay.

Hanjabaadda boqortooyadda Ingiriiska ayaa kusoo beegmaysa xilli qaar kamid ah madaxda Soomaalida ay Baydhabo u joogaan ka qeybgalka xafladda dabaaldega sanad-guuradda 3aad ee doorashadda Cabdicasiis Laftagareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM