Wiil la dhashay Mo Faarax oo laga soo musaafuriyey Ingiriiska

Image

LONDON, UK – Wiil la dhashay Sir Maxamed Faarax ayaa laga soo tarxiilay Ingiriiska, sidda ay ku warameyso majaladda Daily Mirror.

Axmed Faarax oo 30-sano jir ah ayaa loo musaafuriyey degaanadda Somaliland gaar ahaan wuxuu hadda ku sugan yahay magaaladda Burco.

Mas'uuliyiinta ayaa ku eedeeyay Axmed in uu ku lug-yeeshay weerar loo adeegsaday Toorey oo waddankaas ka dhacay.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaadey in Axmed ay ku raad-joogeen muddo laba sano ah kahor inta uusan xabsi ku qaadan afar sano iyo bar.

Isaga oo magaaladda Burco kula hadlay Sunday Mirror, Axmed Faarax ayaa sheegay in uu ka qoomameynayo falka uu ku kacay.

"Ma dareemayo tiiraanyo, laakiin waxaa ii muuqato fursad aan ugu qalmo in aan dib ugu laabto Ingiriiska," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Sir Mo Faarax oo kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dhanka orodka caalamka ayaa wuxuu ku guuleystay tartamo kala duwan.

Fal-dambiyeedyadda loo adeegsaday Tooreyda ayaa sanadihii dambe kusoo batay Ingiriiska, waxaana loosoo musaafuriyey Soomaali badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM