Ingiriiska oo warbixin ka dhageystay guddiga khilaaf xalinta

Image
Guddigan ayaa udub-dhaxaad u ah in doorashooyinka Soomaaliya ay ku dhacaan si daahfuran.

MUQDISHO, Soomaaliya - Danjijaha Ingiriiska, Kate Foster, ayaa la kulantey Gudoomiye Ku-xigeenka Gudiga Xallinta Khilaafaadka Mudane Maxamed Ibraahin iyo Axmed Yuusuf oo ah xubin ka mid ah Guddiga.

Kulanka ayaa lagu lafaguray caqabada horyaala Doorashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa daahfurnaanta iyo kalsoonida Doorashada. Qodobada aadka loogu dheeraaday ayaa ahaa sida habracaayda Cabashooyinka Doorashada loogu mili lahaa meertada doorashada.

Shaacinta Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee xulaya ergada marka la joogo meertada koowaad Doorashada Dadban ee 2020/2021 ayaa hoosta laga xariiqay inay waxtar u tahay hufnaanta Doorashada.

Sidoo kale, Xaqiijinta Ergada iyo in Cabashooyinka la siiyo muddo lagu soo gudbisan karo dacwadaha ayaa loo garawsaday inay muhiim u tahay Daahfurnaanta Doorashada.

Shaacinta Liiska musharixiinta iyo in dacwadaha doorashada ee lagu soo xareeyo mudooyinka loo asteeyay ayaa la isla gartay inay keeni karto hanaan garnaqsi oo hufan.

Sidoo kale, waxaa la bogaadiyay hanaanka daahfurnaanta leh ee Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland iyo siday u shaaciyeen odayaasha xulaya ergada iyo tababarkooda.

Ugu dambayn, Marwo Kate Foster ayaa ku nuuxnuusatay muhiimada GXKHDD iyo in la hufo wareega doorashada ee odayada, ergada, musharixiinta iyo maalinta Doorashada.

Gudoomiye Ku-xigeenka ayaa safiirka waxay gaarsiiyay dhambaal salaan ah oo uu ka siday Gudoomiyaha GXKHDD waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho Nabdoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM