Iran: Waxaan gudbin doonaa dacwad ka dhan ah Israel

Image
Israel ayaa weerarkii ay la beegsatay qunsuliyada Iran ee Dimishiq ku dishay saraakiil badan.

Tehran (GO) - Kaaliyaha Madaxweynaha Iran ee dhanka sharciga, Mohammad Dehghan, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay dhawaan qaadi doonto dacwad dhan ah Israel ka dib weerarkii ay la beegsatay qunsuliyada Iran ee Dimishiq.

Dehghan ayaa u sheegay suxufiyiinta cabashada sharciga ah ee ka dhanka ah Israel ee la xiriirta beegsiga qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, isagoo yiri: “Golaha sare ee amniga qaranka ayaa go’aan ka gaari doona arrintan, laakiin dhawaan waxaa ku dhawaaqi doonnaa go’aamada sharciga ah ee arrintan la xiriira.”

Waxa uu intaa ku daray: “Hadda waxaan arrintan ka baaraynaa dhinaca sharciga, war ayaana ka soo saari doonnaa sida ugu dhakhsaha badan”.

Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa yeeshay kulan uu garwadeen ka ahaa Madaxweyne Ebrahim Raisi shalay, Talaadada, waxayna qaateen go'aamadii lagama maarmaanka ahaa ee ku saabsan ka jawaabista weerarka Israel sida ay sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM