Is-afgarad hordhac ah oo laga gaarey shirka Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Macluumaadyo lagu kalsoon yahay ayaa laga helay qodobada ay hogaamiyeyaasha Soomaalida ee ku shirsan Dhuusamareeb ay isla meel-dhigeen kahor inta aysan mar kale is-arkin maanta.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay kuna dhow dhinacyadda uu kulanku u dhaxeeyo, madaxda ayaa isku raacay qodobadda kala ah;

1- Madaxweyne Qoorqoor, Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa loo xil saarey inay ka shaqeeyaan saxida gudiyadda doorashada gaar ahaan shaqsiyaadka la sheegay iney ka tirsan yihiin hay’adaha Dowladda iyo gudiyada doorashada gobolada Woqooyi, waxayna ka dalbadeen Ra’isal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha aqalka sare oo wada jira inay maanta soo gudbiyaan guddi ay u wada dhan yihiin labada dhinac.

2 - Qadiyadda gobolka Gedo waxaa xalkeeda loo xil saaray Deni, Qoor-Qoor, Guudlaawe iyo Laftagareen, waxa la isla soo hadal qaadey balse aan go'aan rasmiya laga gaarin arrimahan;

  1. In ciidamo ka tirsan booliska AMISOM la geeyo Garbahaarey 
  2. In Guddiga Jubaland ee Doorashooyinka la geeyo Garbahaarey 
  3. Axmed Madoobe wuxuu doonayaa in Duqa Magaalada Garbahaarey ee Jubaland lagu celiyo xaruntiisa

3 - In lagu qabto doorashada Heerka Barlamaanada iyo Madaxweynaha muddo 45-60 cisho; wararka waxay sheegayan in ay noqoneyso mid jadwaleysan.

4 - Waxaan kulamadii hore aan weli lagu soo hadal qaadin 13 Xildhibaan ee la sheegey in gobolka Banaadir loogu kordhinayo Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. 

Dhinaca kale, wararka aan ka heleyno shirka ayaa tibaaxayin jawiga fiican yahay marka loo eego sidda uu ku bilowdey gaar ahaan heerka Farmaajo taagnaa iyada xogo lagu kalsoon yahay caddeynayaan in la baajiyey Madaxweynaha dowladda Federaalka oo qorsheynayey inuu u ambabaxo Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaanayo uu qorsheynayey inuu u aado Muqdisho sidii Barlamanada ula kulmi lahaa.

Guddoomiye Mursal iyo xildhibaanada taageersan Villa Somalia ayaa fadhigaas diyaar-garow weyn ugu jiray maalmihii lasoo dhaafay.

Xogo aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Soomaaliya, guddoonka baarlamaanka qaarkiis iyo Xildhibaano cabsi ka qaba in aan dib loo soo dooran ay damacsan yihiin in muddo kordhin sanad ah sameeyaan Madaxweyne Farmaajo. 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu dhamaadey Dhuusamreeb 2 waxaa uu ka shaqeeyey in xil ka qaadis lagu sameeyo Ra’isal Wasaare Khayre taas oo keentey in ay shaqeyn waayeen qodabadii ka soo baxay kulankaas. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM