Is-afgarad laga gaarey khariidada doorashada Soomaaliya ee 2021-25

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Khamiista maanta ah oo taariikhdu tahay 5 Nofeembar 2020 soo gabagaboobay banbax howlleed ay yeesheen Golaha Wasiirrada oo soconayey saddexdii maalmood ee u dambeysay.

"Arrimaha ugu waaweyn ee shirka banbaxa looga faa’iideystay waxaa ka mid ahaa in si waanaagsan la iskula fahmay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo doorka wasaarad walba ay ku leedahay hirgelintiisa, heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka dadban ee laga fulinayo dalka 2020/2021, xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, arrimaha caddaaladda iyo sugidda amniga guud, gaar ahaan kan doorashooyinka iyo dardargalinta dagaalka lagula jiro argagaxisada, arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u diyaargarowga laba-kacleynta Caabuqa Covid-19," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumada.

Sidda ku xusan qoraalka, waxaa kale oo looga faa’idaystay banbax howlleedkan dhamaystirka qorshaha 100ka maalmood ee Xukumadda iyo axdiga balanqaadka howl-fulineed ee wasaarad walba la gashay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

"Intii uu socday banbaxu Ra’iisal Wasaare Rooble wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada la dagaalanka musuqmaasuqa, in doorashooyinka 2020/2021 u dhacaan si hufan oo cadaalad ku salaysan iyo in la dhowro qoondada 30% ee haweenka. Waxaa kale oo la isla gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025," ayaa la raaciyey.

Xukuumadda ayaa la sheegay in ay "balan-qaaday in fulinta arrintan ay qayb muhiim ah ka tahay Barnaamijka Xukuumadda, si looga baaqsado dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka afar sano ka dib, si aan mar kale loogu laaban doorashooyin dadban".

Intii lagu guda-jiray howllaha banbaxa, sidda ku xusan qoraaalka, waxaa kaloo diiradda la saaray Barnaamijka dhab-u-heshiinsiinta dalka iyo wax ka qabashadda tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta, kuwaa soo qayb ka ah howlaha hortabinta u leh Xukuumadda.

“Waxaan ku boorinayaa Golaha Wasiiradda in aan hakad ku iman addeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshadda xiliga doorashada," ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble u sheegay ka qeybgaleyaasha.

Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in sanadka 2020-21 ay u dareero doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa fulinta halbeegyadii lagu aadi ahaa ka gaabisay xukuumadda taasoo dhabaha u xaartay in uu dhicisoobay yoolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM