Is-faham laga gaarey mustaqbalka howlgalka AMISOM

Image
Image
Image
Image
Fahfaahinta is-afgaradkan ayaa lagu qeexay war-saxaafadeed si wadajir ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa is-faham ka gaarey mustaqbalka howlgalka AMISOM, sida ku xusan war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo wada saareen.

Sida laga soo xigtey bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, labada dhinac ayaa isla qaatey in dib loo bilaabo shaqadii guddiga farsamadda lana soo afjaro 11-ka Febraayo, 2022.

"Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’dii hagi doono ka-qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Muqdisho, Soomaaliya Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Disembar 2021, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho kula yeelatay guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ah Mne. Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga, Mne. Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyo Mne. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa kala hadlay Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxaa laga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeyay. DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’dii hagi doono ka-qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay nafta ay u hureen AMISOM iyo dalalka ciidammada  (TCC) ka joogo dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada amniga Soomaaliya si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka Ku-Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo Qirshaga Kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxi lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023ka.

Howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhamaadey muddo xileedkiisa rasmiga ahaa waxaana dhowaan loo sameeyay cusbooneysiin wallow xukuumadda Muqdisho ay kasoo horjeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM