Is-qabqabsi ka taagan soo kordhinta xilka Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka labaad

Image
Mudaneyaasha goleyaasha Dowladda ku matala darafyada ay khuseyso qadiyadan ayaa wadda olole iska soo horjeeda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaalad jahwareer ah ayaa xalay ka dhacdey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Buuqan ayaa yimid kadib markii mudaneyaasha kasoo jeeda Somaliland oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Jaamac ay diideen in ay ka qeybgalaan Shirka Golaha Wasiirada.

Diidmadooda ayaa salka ku haysa in ay kasoo horjeedaan magacaabida Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Labaad.

Jagadan waxaa qorshuhu yahay in la siiyo qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed maadaama uu kula balamay Madaxwayne Xasan Sheekh si ay u ansixiyaan dastuurka.

Dhanka kale, kulan albaabada u xiran yihiin ayaa dhacdadan kadib dhexmaray Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Shirkan waxaa looga hadlayaa xaalada soo korortay. Sikastaba, natiijada wadahadaladan waxay saamenyn ku yeelan kartaa fadhiyada golaha.

Gorgortanka xilka Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya ayaa waxa uu sii murjin doonaa cakirnaanta siyaasadeed ee huursan taas oo mar qarxin doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM