Isbedel lagu sameeyay hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Kadib wadahadalo ka qabsoomay magaalada Nairobi, caasimada wadanka Kenya, waxaa isbedal balaaran lagu sameeyay hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir.

Isbedalkaan oo saameeyay jagooyinka sare ee ururkaasi siyaasadeed ayaa yimid markii ay kusoo biireen xisbiyo kale kuwaasi oo kala ah; Xisbiga Aragtida Cusub iyo Xisbiga Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wali ah hogaamiyaha xisbiga. Saciid Muuse Cabdi Baalle ayaa laga dhigay gudoomiyaha. Halka Sayidcali Cabdulle laga dhigay gudoomiye ku xigeen.

Cabdifitaax Maxamed Ibraahim, wasiirkii hore Howlaha Guud ee xukuumada Khayre, ahaana gudoomiyaha Xisbiga Aragtida Cusub ayaa loo magacaabay Xoghayaha guud ee xisbiga Wadajir.

Laga ogga sida uu ku yimid isbedalkaan, maadaama xisbiga Wadajir uusan lahayn Golle Dhexe oo soo doorto xubnaha Golaha Fulinta oo mas'uuliyiintaan ay kamid yihiin.

Talaabooyinkaan oo qayb ka ah ol'olale ay axsaabta wadanka bilaabeen ayaa imaanaya xili muddo laba sano ay ka harsan tahay doorashada la filayo in ay noqoto qof iyo cod, ayna ku tartamaan xisbiyadda ee 2020-21.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed uu xisbiga kasoo saaray isbedalka

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM