Isbedel lagu sameeyay jadwalka doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jadwal cusub ayaa laga soo saarey doorashooyinka Soomaaliya oo isbedel kooban lagu sameeyay. Aqalka Sare waxaa loo muddeeyay July 25-28. Golaha Shacabka waxaa loo asteeyay Sept 12-Oct 2.

Natiijada ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa Sept 20-Oct 5. Mudaneyaasha cusub waxaa la dhaarin doonaa Oct 7. Madaxweynaha waxaa la dooran doonaa 10-ka October, sida ku xusan jadwalka guddiga doorashooyinka dalka.

Isbedelkan ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo ifbaxeen khilaafaad horleh. Is-qabqabsigan wuxuu salka ku hayaa maamulka doorashooyinka golabada waqooyi iyo kuraasta taala gobolka Gedo.

Labadan qadiyadooda ayaa horey u daahiyey doorashooyinka oo loo madalsanaa 2021-21. Maadamaa illaa haatan uusan muuqan xal waara oo la gaaray, waxaa laga cabsi qabaa in dib-u-dhac kale oo imaan karo.

Dhanka kale, Guddiga Jubaland ayaa shaaciyey in ay diyaar u yihiin qabashada doorashada Aqalka Sare ee heshiisyada 17-ka September, 1-da October iyo 29-kii May ay xeerinayaan in ay bilaabaneyso 25-ka Julaayo, 2021.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga Jubaland ayaa ugu baaqay guddoonka baarlamaanka in ay u diyaar-garoobaan xulista Senatorada kuwaas oo lagu dooran doono magaala madaxda ku meelgaarka ah ee Kimsaayo.

Musharaxiinta dooneysa in ay kamid noqdaan baarlamaanka 11aad ee soo aadan oo lacagta diiwaangelintoodu tahay 20-kun oo doolar ayay ugu baaqeen in ay si deg-deg u soo gudbiyaan codiyadooda ama araajidooda.

Dowladda Jubaland ayay cod dheer ku waydiisteen in ay ka shaqeyso ammaanka goobta doorashadda ka dhaceyso. Amniga wuxuu kamid yahay qadiyadaha ugu culus ee horyaala doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya.

"Guddiga wuxuu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo saari doonaa jadwalka doorashadda Aqalka Sare [ee Jubaland] oo fahfaahsan," ayaa lagu soo gabgaabeeyay qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Hoos ka akhriso jadwalka cusub

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM