Isbedel lagu sameeyay maamulka gobolka Gedo

Image

GARBAHAAREY, Jubaland – Isbedel dhanka maamulka ah ayaa lagu sameeyay gobolka ay gacan ku hayntiisu isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubaland ee Gedo xuduntana u ah khilaafka doorashada 2020-21.

Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu ayaa laga qaadey xilka gudoomiyaha gobolka, waxaana lagu bedelay Axmed Buulle Gareed, sidda uu wareegto ku sheegay Cabdiraxmaan Caweer, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubaland.

Mr Caweer ayaa sanadkii lasoo dhaafay kasoo baxsaday caasimadda ku meelgaarka Kismaayo isaga oo isku-dhiibay dowladda federaalka ah.

Macalimuu oo horey u ahaa sarkaal ciidan ayaa aad ugu jaranjeera Villa Soomaaliya, waxaana uu u fuliyey qorshaheeda gobolkaas xadka dhaca.

Maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaan wali wax war ah kasoo saarin xil ka qaadista lagu sameeyay Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gobolka Gedo ku qabsatay awood ciidan, talaabadaas oo Jubaland ay ku sifeysay "duulaan aan sharciga waafaqsaneyn".

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in ay soo saarato Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah kasoo gelaya gobolka Gedo, halka Jubaland ku adkeysatay in ay doorasho ka dhici karin illaa ciidamadda ay halkaas joogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM