Askari kamid ahaa ilaalada guriga lagu hayo Abuu Mansuur oo "la dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rasaas ayaa waxaa lagu waramay in xalay laga maqlay hoyga uu xabsi guriga ku yahay Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen xubno kala duwan iyo dad ku dhow halkaas, xabadda oo uu riday askari ilaalada kamid ah ayaa dishay hal askari oo ka tirsanaa Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Askariga geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdullaahi Xaashi. Darajadda ciidan ee uu haystay waxay ahayd Dable, sidda ku xusan aqoonsigiisa oo goobta lagu toogtay laga qaadey.

Illaa iyo haatan lama fahfaahin sababta keentay rasaastaas. Balse, warbixino horudhac ah waxay tilmaamayaan in ay aad u murmeen, wallow aan la xaqiijin waxay ku doodeen ama waxa keenay.

Macluumaadka la helayo ayaa intaas ku daraya in gacanta lagu hayo askarigii ka dambeeyay dilka Aweys, kaas oo lasoo wariyey in hub ka dhigis lagu sameeyay isla markaana xabsi loo diray.

Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay'adda sirdoonka ee NISA ayaa nan wali ka falcelin dhacdadaan oo kusoo aadeysa xili ay isa soo tarayeen baaqyadda ku saabsan in lasii daayo Mukhtaar Roobow.

Abuu Mansuur oo bishii December ee sanadkii 2018-kii laga soo xiray Baydhabo xili uu u sharaxnaa madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa soo noqdey hogaamiye ku xigeenka iyo afhayeenka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM