Iska hor-imaad lagu dilay qaar kamid ah ilaaladda Qoorqoor

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad maanta oo Talaado ah ka dhacay Dhuusamareeb, caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Israsaaseynta ayaa u dhaxeysay ilaalada madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] iyo cutubyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ee ku sugan degaanadaas.

Illo degaanka ah ayaa sheegay dagaalka uu ka dhacay afaafka hore ee xerada Taliska 21-aad ee Ciidanka Xoogga, halkaasoo Qoorqoor uu kormeer aan lasii shaacin uu ku tegay.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay isku dhacaas, oo madaxtooyaddu aysan wali ka hadlin.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in askarta dhimatay ay kamid ahaayeen ilaaladda gaarka ah ee madaxweyne Qoorqoor.

Ma cadda sababta keentay iska hor-imaadka oo kusoo hagaagay xili kolanyadda Qoorqoor ay ka gudbeysay albaabka xerada. Saraakiisha waxay sheegeen in ay baarayaan.

Qoorqoor ayaa u tegay xerada si uu uga dhegax dhigo Madaxtooyada cusub ee dowlad goboleedka Galmudug.

Warbixino soo baxaya ayaa tibaaxaya in uu muran ka taagan yahay in xeradda loo bedelo Madaxtooyo, iyaddoo aan lasii qorsheyn halka ay ciidamadda u wareegi doonan kadib dhismaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM