Iska horimaad ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal u dhaxeeyay ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya iyo Maleeyshiya hubaysan ayaa shalay oo Talaado ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online sheegay in Iska hor-imaadka oo leysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay xarunta maamulka degmada Heliwaa, ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay Labo qof oo dhinacyada dagaalamay ah, halka uu ku dhaawacmay Mooto Bajaajle, kaasoo la sheegay inay si bareer ah u dhawaceen Malleeyshiyada, falkaasi oo ahaa midka sababay inuu qarxo dagaalkaan.

Cabdiqaadir Maxamuud Jimcaale oo kamid ah Shaqaalaha xarunta degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada amaanka oo u gur-manaya Mooto Bajaajlaha la dhaawacay ay Rasaas kusoo fureen dabley hubaysan kadibna ay fooda is-dareen.

“Dagaalka wuxuu qarxay markii dabelyda ay si bareer u dhaawaceen Nin shacab ah oo Mooto bajaajle ah. Ciidamada amaanka degmada oo ku baxay, si ay ugu gurmadaan ayaa waxay la kulmeen Rasaas uga timid Malayshiyaadka,” ayuu yiri Jimcaale.

“Dagaal xoogan ayaa halkaas ka dhacay, waxaana dhankeena naga dhaawacmay Hal Askari, iyagana waxaa ka dhintay Hal qof, mana jiraan wax Shacab ah oo ku dhaawacmay, xaaladuna hada waa mid degan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Marka laga soo tago hadalka maamulka degmada Hiliwaa oo ah in dagaalka ka dhashay dhaawaca Mooto Bajaajlaha ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalka salka uu ku hayo is-qab-qabsi dhuleed oo u dhaxeeya Ruux wata rag hubaysan iyo mas'uul ka tirsan gobolka Banaadir.

Is-qab-qabsiga dhulalka ayaa waxay mudooyinkii dambe ka ahayd Muqdisho waxyaabaha ugu hadalheynta badan, iyadoona maxkamadaha dowlada ay buux-dhaafiyeen kiisaska Muranada lahaan-shaha dhulalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM