Isku-shaan-dheyn kooban oo lagu sameeyay Golaha Wasiirada

Image
Isbedelkan ayaa yimid maalin kadib markii muran xoogan uu kasoo dhex-shaac-baxay xukuumadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Sabtidii isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, sidda uu ku dhawaaqay xafiiskiisa warfaafinta.

Xamse ayaa magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, halka Dr. Maxamed Emi Ibraahim uu u magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Saadaad Maxamed Nuur Caliyow Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Abuukar Jeylaani Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Talaabadan ayaa ka dambeysay go’aan muran badan dhaliyay oo wasiirka maaliyadda ee xilka ka degaya uu dib ugu soo celiyay mas’uuliyiin lagu eedeeyay musuq maasuq.

Go'aankan muranka dhalisay ayaa timid maalmo ka hor isku shaandheynta golaha wasiirada. Dadka la socda siyaasadda ayaa rumeysan in isku-shaandheyntan kooban ay tahay mid lagu dejinayo xaalka.

Nuur ayaa difaacay go’aankiisa isagoo digniin culus u jeediyay mas’uuliyiinta, waxa uuna u soo jeediyay in dib u soo celinta shaqada ay fursad u siinayso inay horumariyaan hab-dhaqankooda.

Sababta ka dambeysay in Nuur uu dib u soo laabto lama oga, inkastoo ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Nuur uu cadaadis kala kulmay Villa Soomaaliya taas oo aan wali la caddeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM