Iskuulada Sh Ibraahim Kaboole ee Burco oo magacii laga badalay! Maxay tahay sababtu?

Image
Image
Image

BURCO, Soomaaliya - Magaalada Burco ee gobalka Togdheer waxaa maamulka Somaliland ay ku dhawaaqeen in ay magacii ka badaleen guud ahaan iskuuladii Sh Ibraahim Kaboole isla markaana loo bixiyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame"Hadraawi".

Maamulka iskuulada ayaa tilaabada qaadacay iyaga oo ilaa hadda diidan u hogaansamida doonista madaxtooyada Somaliland.

Waa kuma sh Ibraahim Kaboole?

Sh Ibraahim Kaboole ayaa ahaa mid kamid ah culamada kasoo jeeda gobalka Sanaag isaga oo ku dhaqnaa Burco halkaasi oo uu ku geeriyooday ayna ilaa maanta ka muuqato raadadkiisi fidinta diinta islaamka.

Maxaa keenay tilaabada?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kusoo jabay colaada Laascaanood isla markaana laga soo saaray gobalka Sool ciidankiisi ayaa si uu isaga leexiyo indhaha bulshada waxaa uu amray tilaabadan wasiirka Waxbarashada.

Tan ayaa lagu tilmaamay Faquuq iyo mid bulshada soomaalida kala dhex dhigi doonta mahadho aan dhamaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM