Israa’iil oo diidday shuruudaha Xamaas ay ku sii deynayso maxaabiista

Image
Wargeysyada Israel ayaa laga soo xigtay shuruudaha Xamaas ay ku sii daynayso maxaabiista Israel.

Qasa (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay diidmada wax uu ku tilmaamay shuruudaha "is-dhiibidda" oo ay soo jeediyeen Xamaas.

Netanyahu ayaa yiri: "Waxaa nagu waajib ah inaan soo celino dhammaan maxaabiista, laakiin waxaan si cad u diidayaa shuruudaha Xamaas ee is-dhiibida,".

Wuxuu intaas ku daray "Xamas waxay dalbanaysaa in dagaalka la joojiyo oo ciidamadeenna aan ka saarno Qasa si ay u sii daayaan Maxaabiista, haddii ay taasi dhacdo, waxay dhaawacaysa ehellada Ciidamadeena ku dhintay dagaalka ."

Wargeysyada Israel ayaa laga soo xigtay shuruudaha Xamaas ay ku sii daynayso maxaabiista Israel, kuwaas oo kala ah:

1- In si buuxda loo joojiyo dagaalka.
2- Ka bixitaanka ciidamada Israel ee Marinka Qasa.
3- Damaanad caalami ah ee lagu ilaalinayo xukunka Xamaas ee Marinka Qasa.
4- In aan la daba gelin madaxda Xamaas.

GaroweOnline.

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM