"Kacdoon shacabka ku diidan yahay" Farmaajo oo bilowday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudaaharaad ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo ayaa Talaadada maanta ah ka bilowday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Isu-soo-bax oo hal-ku-dhigiisu yahay "Farmaajo dooni mayno, kaligiis-taliye dooni-mayno iyo doorasho diide dooni mayno" waxaa la sheegay in uu soo abaabulay mucaaradka.

Boorarka ay wataan rayidka dibadbaxa dhigay waxaa erayada ku xardhan kamid ahaa "Kacdoon shacab" iyo "Canshuur-bixiyeyaal dulman"

Banaanbaxayaasha oo dalbanaya in doorashooyinka 2020-21 ay noqdaan ayaa wata boorar ay ku xardhan yihiin qoraalo ay kamid yihiin "dooni mayno doorasho la boobay oo sababta barakac".

Xukuumadda federaalka ah ayaa waddooyinka muhiimka ah ee magaala madaxda waxay ku daadisay ciidamo wata gaadiidka gaashaaman kuwaasoo badankooda wataan gafuur-xir.

Warbixinadda ayaa intaas ku daray in ciidanka ay rasaas ku fureen dadweyne degmada Yashid ee gobolka Banaadir kaga qeybgaleyey dibadbaxa. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dhacdadaas.

Afar qof ayaa ku dhaawacantay iska-hor-imaad askarta dowladda iyo ciidan kale oo ilaalinayey banaanbaxyaasha ku dhexmaray isgoyska Fagax ee magaaladda Muqdisho, sidda ay Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal.

Dowladda Federaalka ah ayaan wali wax war ah kasoo saarin banaanbaxa oo kusoo hagaagay xilli is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21 uu meeshii ugu sareysay gaarey.

Guddiyadda maamulaya coddeynta, ciidanka dowladda geysay gobolka Gedo iyo habraaca xulista wakiilada Somaliland ayaa kamid ah qodobadda la isku hayo kuwaas oo xalkooda aan wali la gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo nasiib-darro ku tilmaamay guuldarrada dowladda ee dagaalka Al-Shabaab

Kooxda ayaa sanadkan la wareegtay Aadan Yabaal, Moqokori iyo Maxaas oo kawada tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 08:05AM

Shiinaha oo Digniin u Diray Somaliland isagoo Baalmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya

War-saxaafadeedka, oo si adag u hadlaya, ayaa lagu sheegay in booqashada…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 06:39AM