Itoobiya oo dib-uga-guraneysa heshiis-beenaadkii ay la gashay Somaliland

Image
Talaabadan ayaa waxa ay imaanaysaa xilli uu sii xoogeysaneyso cadaadiska caalamiga ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa waxa ay ka fekereysa inay meesha ka saarto qorshaha ay ku aqoonsanayso maamulka Somaliland, sidda laga soo xigtay Majaladda Afka Dheer ee Bloomberg.

Tani ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ay jiraan cadaadis caalami ah oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda gobolka ee ka dhalatay hindisahaas, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah arrintan.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa heshiis hordhac ah la gashay Somaliland bishii January, heshiiskaas oo ka dhigaya in ay noqoto waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada maamulkan ka tirsan Soomaaliya.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa, sidda laga soo xigtay heshiiska, waxa ay aqoonsiga ku badalaneysaa in ay muddo 50 sano ah adeegsato 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliya kana dhigo saldhig ciidan.

Heshiisku ayaa buuq siyaasadeed waxa uu ka dhex dhaliyay dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo ay ku dhawaadeen in ay isku-adeegsadeen erayadda ugu adag.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay difaaci doonto madaxbanaanida dhulkeeda, waxayna taageero ka heshay Masar halka dalalka kalena ay soojeediyeen taxadar dheeri ah.

Dib-u-gurashadda ay sameyneyso Itoobiya ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli Kenya ay kala hadashay Muqdisho iyo Addis Ababa in ay dajiyaan xaaladda ayna isugu yimaadaan miiska wadahadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM