Itoobiya oo Somaliland ogeysiisay baabi'inta is-afgaradkii xiisada abuuray

Image
Illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in wafdi tagay Hargeysa ay fariintaan wadeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ilo xog ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin wafuud ka kala socota dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Joogitaanka saraakiishan sar-sarre ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli dowladda Kenya ay dhexdhexaadineyso kulamadooda fool ka foolka ah oo warar horudhac ah kasoo baxeen.

Maraykanku wuu ogyahay kulanka laakiin ma joogo. Wararku waxay xaqiijinayaan in Itoobiya ay ogolaatay inay baabi’iso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland.

Hase ahaatee, xukuumadda Addis Ababa ayaa, sidda ay xogta caddeyneyso, waxa ay kaliya doonaysaa in ay si qarsoodi ah u ogeysiiso dawladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay dalbanaysaa in si shaac-baxsan loo baabi'iyo heshiiska, iyadoo diidaysa soo jeedinta Itoobiya taas oo horseedi karta carro dadwayne.

Illo wareedyadda oo dalbaday in aan lasoo xigan ayaa intaas ku daraya in Itoobiya ay u sheegtay dhexdhexaadiyayaasha inay ku wargeliyeen Somaliland ka bixitaanka is-afgaradkaas.

Warbixinadda mukhaabaraadka ayaa waxa ay hoosta ka xariiqayaan in lataliyaha Amniga Qaranka Itoobiya oo booqday Hargeysa oo madaxda Somaliland ogeysiiyay baabi'inta heshiiska.

Wafdiga Soomaaliya waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Cali Balcad, halka kooxda Itoobiya uu hormuud u yahay wasiirkooda arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM