Itoobiya oo Somaliland ogeysiisay baabi'inta is-afgaradkii xiisada abuuray

Image
Illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in wafdi tagay Hargeysa ay fariintaan wadeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ilo xog ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin wafuud ka kala socota dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Joogitaanka saraakiishan sar-sarre ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli dowladda Kenya ay dhexdhexaadineyso kulamadooda fool ka foolka ah oo warar horudhac ah kasoo baxeen.

Maraykanku wuu ogyahay kulanka laakiin ma joogo. Wararku waxay xaqiijinayaan in Itoobiya ay ogolaatay inay baabi’iso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland.

Hase ahaatee, xukuumadda Addis Ababa ayaa, sidda ay xogta caddeyneyso, waxa ay kaliya doonaysaa in ay si qarsoodi ah u ogeysiiso dawladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay dalbanaysaa in si shaac-baxsan loo baabi'iyo heshiiska, iyadoo diidaysa soo jeedinta Itoobiya taas oo horseedi karta carro dadwayne.

Illo wareedyadda oo dalbaday in aan lasoo xigan ayaa intaas ku daraya in Itoobiya ay u sheegtay dhexdhexaadiyayaasha inay ku wargeliyeen Somaliland ka bixitaanka is-afgaradkaas.

Warbixinadda mukhaabaraadka ayaa waxa ay hoosta ka xariiqayaan in lataliyaha Amniga Qaranka Itoobiya oo booqday Hargeysa oo madaxda Somaliland ogeysiiyay baabi'inta heshiiska.

Wafdiga Soomaaliya waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Cali Balcad, halka kooxda Itoobiya uu hormuud u yahay wasiirkooda arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM