Duuliyihii ugu dambeeyay Somali Airlines oo geeriyooday

Image
Kabtan Jaamac Ofle ayaa waxa uu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee duuliyayaal rayid Soomaali ah.

KAMPALA, Uganda - Kabtan Jaamac Ofle oo ahaa duuliyihii ugu dambeeyay ee duulimaadkii caalamiga ahaa ee Somali Airlines sanadkii 1991-kii ayaa Jimcihii ku geeriyooday magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdisalaam Cumar oo ay saaxiib ahaayeen kabtanka geeriyooday ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ku waxa uu xaqiijiyay geerida marxuum Ofle.

Kabtan Jamac Ofle waxa uu ka duuliyay Muqdisho horraantii 1991-kii duulimaadii ugu dambaysay ee Somali Airlines kaasoo ku wajahnaa magaalada Frankfurt ee Jarmalka kahor inta uusan qarxin dagaalka sokeeye.

Duulimaadka ayaa ahaa safarkii ugu dambeeyay ee diyaarad qaran ee astaanta ​​u ahayd horumarka Soomaaliya kadib xoriyadda. Ofle waxa uu ahaa seediga Cumar taasoo keentay in ay isku dhawaadaan.

Iyadoo ay jiraan duruufo adag, Captain Ofle waxa ay shaqaalihii iyo rakaabkii diyaaradda ku xasuustaan inuu si geesinimo leh u gutay waajibaadkiisa shaqo, isaga oo xaqiijiyey badqabka rakaabka diyaaradda.

Xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay ee Soomaaliya ayaa dadaal badan geliyey sidii ay u soo celin lahaayeen Somali Airlines hase ahaatee midna wali kuma guuleysan in ay ka dhabeeyaan riyaddaas.

Kadib duulimaadkii ugu dambeeyay, Captain Ofle ayaa waxa uu u guuray Ottawa - isaga iyo qoyskiisa halkaas oo uu ugu dambeyntii noqday muwaadin Canadian ah.

Wareysiyo uu bixiyay ayuu si kal iyo laab ah uga hadlay waqtigii uu la shaqeynayay shirkadda diyaaradaha iyo sida ay isaga iyo saaxiibadiis ay u hanweyn yihiin in ay mar kale u shaqeeyaan qaranka.

Captain Ofle ayaa waxa uu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee duuliyayaal rayid ah oo Soomaali ah oo lagu tababaro Akademiyada Tababarka Duulista Hawada ee Jarmalka ee Lufthansa bartamihii sanadkii 1960-yadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM