Duuliyihii ugu dambeeyay Somali Airlines oo geeriyooday

Image
Kabtan Jaamac Ofle ayaa waxa uu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee duuliyayaal rayid Soomaali ah.

KAMPALA, Uganda - Kabtan Jaamac Ofle oo ahaa duuliyihii ugu dambeeyay ee duulimaadkii caalamiga ahaa ee Somali Airlines sanadkii 1991-kii ayaa Jimcihii ku geeriyooday magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdisalaam Cumar oo ay saaxiib ahaayeen kabtanka geeriyooday ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ku waxa uu xaqiijiyay geerida marxuum Ofle.

Kabtan Jamac Ofle waxa uu ka duuliyay Muqdisho horraantii 1991-kii duulimaadii ugu dambaysay ee Somali Airlines kaasoo ku wajahnaa magaalada Frankfurt ee Jarmalka kahor inta uusan qarxin dagaalka sokeeye.

Duulimaadka ayaa ahaa safarkii ugu dambeeyay ee diyaarad qaran ee astaanta ​​u ahayd horumarka Soomaaliya kadib xoriyadda. Ofle waxa uu ahaa seediga Cumar taasoo keentay in ay isku dhawaadaan.

Iyadoo ay jiraan duruufo adag, Captain Ofle waxa ay shaqaalihii iyo rakaabkii diyaaradda ku xasuustaan inuu si geesinimo leh u gutay waajibaadkiisa shaqo, isaga oo xaqiijiyey badqabka rakaabka diyaaradda.

Xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay ee Soomaaliya ayaa dadaal badan geliyey sidii ay u soo celin lahaayeen Somali Airlines hase ahaatee midna wali kuma guuleysan in ay ka dhabeeyaan riyaddaas.

Kadib duulimaadkii ugu dambeeyay, Captain Ofle ayaa waxa uu u guuray Ottawa - isaga iyo qoyskiisa halkaas oo uu ugu dambeyntii noqday muwaadin Canadian ah.

Wareysiyo uu bixiyay ayuu si kal iyo laab ah uga hadlay waqtigii uu la shaqeynayay shirkadda diyaaradaha iyo sida ay isaga iyo saaxiibadiis ay u hanweyn yihiin in ay mar kale u shaqeeyaan qaranka.

Captain Ofle ayaa waxa uu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee duuliyayaal rayid ah oo Soomaali ah oo lagu tababaro Akademiyada Tababarka Duulista Hawada ee Jarmalka ee Lufthansa bartamihii sanadkii 1960-yadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM