Jabuuti: Marna ma joojineyno taageeradeena Soomaaliya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa hadalkan ka dhawaajiyey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Jabuuti ayaa shaaca ka dhigtey in aysan marnaba u hakin doonin khilaafyadda siyaasiga ah taageeridda Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee waddankaas.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hadalkan wuxuu Isniinta maanta ah ka sheegay Madasha Aragti-wadaaga Heritage kaasoo maanta bilowdey. Kulankaas waxaa ka qeybgalay madax hore, kuwa haatan xil haya iyo siyaasiyiin.

Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah wuxuu carabka ugu adkeeyay in ay sii wadayaan in ay Soomaaliya ka taageeraan la dagaalanka argagixisadda oo uu ku sifeeyay "dagaal aduunka u siman yahay".

"La dagaalanka argagixisadda waa dagaal uu aduunka u siman yahay. Dadka ku dhimanaya waa wiilasheena waa askarteena. Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo aduunka way u siman yihiin ciribtirkooda," ayuu tibaaxay.

Sida laga soo xigtey Yuusuf, kooxaha argagixisadda ah ee ka howlgala qaybo badan oo kamid ah gobolka Geeska Afrika intooda badan waxay ka been-sheegaan Diinta suuban ee Islaamka.

"Dad ayaa fal-dambiyeed ku dhaqaaqaya ayaga oo xeran shaarkii Islaamka. Waxay ku leeyihiin waxaan nahay Islaamkii saxda ahaa ku dhaqmayey. Laakiin haddii aad fiirsato meelaha ay ka dagaalamayaan waxaa kusoo baxaysa in ay ka ganacsadaan dhoofinta dadka. Marka waxaad moodaa in ay marba shaar soo xiranayaan, la dagaalankoodana wuu soconayaa," ayuu yiri.

Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa haatan loo aqoonsan yahay halista ugu weyn ee gobolka Geeska Afrika maadaama ay muddooyinkii dambe xoojisay howlgalada abaabulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM