Jabuuti oo dib ugu yeeratay safiirkeeda Soomaaliya [Khilaaf cusub]

Image

JABUUTI - Warar lagu kalsoon yahay oo uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in dowladda Jabuuti ay dib ugu yeertay safiirkeedii u fadhiyay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, xilli uu sii xumaanayo xiriirka labada dal.

Safiirka oo lagu magacaabo Aadan Xasan Aadan ayaa loogu yeeray magaalada Jabuuti, saacado kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay inay si weyn uga naxday baaqii Farmaajo ka jeediyay Asmara, ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

Tallaabadan ayaa muujisaysa in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti uu dhaawacay socdaalkii Farmaajo ee Eritrea iyo baaqiisii ahaa in xayiraadaha laga qaado dalkaasi, oo lagu eedeeyay inuu taageero kooxaha argagaxisida gobolka. [Halkan ka akhri Warka].

"Uma dul-qaadaneyno wadahadalka aan damqashada lahayn, xilli ay wiilasheena iyo gabdhadheena [Ciidamada Jabuuti] ay dhiigooda u diidinayaan soo celinta nabda iyo xasiloonida Soomaaliya," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeed uu safiirka soo saarey.

Waxa kaloo lagu sheegay qoraalka Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si indha la'aan ah uu taageertay Eritrea islamarkaana ay u noqotay afhayeen uu dooda, taasinaya ay tahay wax aan u cuntameynin Jabuuti.

Dalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa horey dagaal ugu dhexmarey dhulka soohdinka ah ee u dhexeeya iyadoo ciidamo Nabad ilaalineed ku sugan yihiin xuduuda labada dal u dhexeeysa.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA JABUUTI:

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM