Jabuuti oo dib ugu yeeratay safiirkeeda Soomaaliya [Khilaaf cusub]

Image

JABUUTI - Warar lagu kalsoon yahay oo uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in dowladda Jabuuti ay dib ugu yeertay safiirkeedii u fadhiyay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, xilli uu sii xumaanayo xiriirka labada dal.

Safiirka oo lagu magacaabo Aadan Xasan Aadan ayaa loogu yeeray magaalada Jabuuti, saacado kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay inay si weyn uga naxday baaqii Farmaajo ka jeediyay Asmara, ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

Tallaabadan ayaa muujisaysa in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti uu dhaawacay socdaalkii Farmaajo ee Eritrea iyo baaqiisii ahaa in xayiraadaha laga qaado dalkaasi, oo lagu eedeeyay inuu taageero kooxaha argagaxisida gobolka. [Halkan ka akhri Warka].

"Uma dul-qaadaneyno wadahadalka aan damqashada lahayn, xilli ay wiilasheena iyo gabdhadheena [Ciidamada Jabuuti] ay dhiigooda u diidinayaan soo celinta nabda iyo xasiloonida Soomaaliya," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeed uu safiirka soo saarey.

Waxa kaloo lagu sheegay qoraalka Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si indha la'aan ah uu taageertay Eritrea islamarkaana ay u noqotay afhayeen uu dooda, taasinaya ay tahay wax aan u cuntameynin Jabuuti.

Dalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa horey dagaal ugu dhexmarey dhulka soohdinka ah ee u dhexeeya iyadoo ciidamo Nabad ilaalineed ku sugan yihiin xuduuda labada dal u dhexeeysa.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA JABUUTI:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM