Jadwalka cusub ee doorashada Koonfur Galbeed lasoo bandhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga cusub doorashadda ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu soo bandhigay jadwal horleh oo ay ku qabanayaan coddeynta loo balamay 28-ka bishaan November ee sanadka 2018.

Sida laga soo xigtay war qoraal ah oo uu Guddigu soo saarey, murashaxiinta oo laga doonayo mid kasta aduun dhan 20 milyan oo Dollar, waxay mar kale is-diiwaan gelin doonan 22-23 bishaan, oo ah labo maalin.

Murashaxiinta ayaa waxay jeedin doonan khudbadahooda 25-ka bishaan, xili mid kasta laga rabo inuu Gollaha Wakiiladda horkeeno 200 nuqul oo kamid ah Barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu doonayo in lagu doorto.

Sida ku cad warqada, 24-ka iyo 26 illaa iyo 27 bishaan November, Guddiga ayaa wuxuu qaban doonan shaqooyin isugu jira kulamo iyo fallaqeyn ay wehliso is-xogwareysi coddeynta qusaysa, iyo kormeerida goobta doorashada ka dhacayso.

Doorashada dowlad goboleedkaan oo sanadkaan ka xamaasad badan kuwii hore ayaa waxaa ku loolamaya Villa Somalia iyo Mucaaradkeeda, kuwaasi oo murashaxiin siyaasada dalka saameyn ku leh dirsaday.

Madaxda dowlada dhexe, oo Shariif Xasan Aadan, kaasi oo is-casilay horaanta bishaan ka saxiixday inay maamusho doorashada, ayaa lagu eedaynayaa inay faragelin ba'an ku hayso codbixintaan maalmaha ay ka harsan tahay inay qabsoonto.

HOOS KA AKHRI WARQADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM