​Jadwalka jeedinta khudbadaha murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo la shaaciyay

Image

MUQDISHU,Somalia- Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan qaabka murashaxiinta khudbadahooda uga hor jeedinayaan Xildhibaanada Barlamanka labad aqal ee dalka.

Khudbadaha oo bilaaban doona 02 February, 2017 ayaa murashaxiinta waxaa loo qaybiyay saddex dufcadood oo ka kooban min sideed murashax.

Warqad uu ku saxiixanyahay Cabdiraxmaan Ducale Bayle ayaa lagu sheegay in murashax kasta 24 saac kahor soo gudbiyo khudbadiisa oo qoraal ah,

Tallaabadan ayaa timid xilli maanta la joojiyay dooda murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo ay kusoo bandhigi lahaayeen waxqabadkooda taasoo keentay in murashaxiintu dhaliilaan guddiga doorashada. Dodaad ayaa dadweynaha loo marin lahaa warbaahinta qaab toos.

Balse, Cabdiraxmaan Ducaale oo ka hadlayay arrintaas wuxuu sheegay in gabi ahaanba la laalay qorshaha warbaahinta loo marin lahaa waxqabadka murashaxiinta Madaxweynaha Somalia isagoo go'aankaas u cuskaday inay ka cabsi qabaan habsan ku yimaada howlaha doorashada.

08 Febreuary ayaa lagu wadaa inay qabsoonto doorashada Madaxweynaha dalka oo ay u taaganyihiin 24 mudane, waxaana Muqdishu kasocdo loollan loogu jiro kursigaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM