Jadwalka kulamada u gaarka ah furida dastuurka oo laga doodey

Image
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa fadhi aan caadi ahayn ka yeeshay qadiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa lagu waramay inuu goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo dhammaan xubnaha guddiga.

Shirkan waxaa lagu soo bandhigay shintiriska (Jadwalka) ee kulamada u gaarka ah ka shaqeynta dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS oo ay soo gudbiyeen Guddiga La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka BJFS.

Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee BJFS ayaa xubnaha Guddiga Joogtada uga warbixiyay shintiriska kulamada u gaarka ah dastuurka.

Yuusuf ayaa xubnaha guddiga la wadaagay qeybaha uu ka kooban yahay jaantuska kulamada wadajirka ah  ee labada gole Baarlamaanka ee looga doodayo dib u eegista dastuurka KMG ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa ka hadlay ahmiyadda weyn uu u leeyahay shintiriskan kulamada looga doodi doono dib u eegista dastuurka KMG ah.

"Waxaa uu guddoomiyuhu tilmaamay muhiimada uu dhameystirka dastuurka u leeyahay geedi socodka dhismaha dowladnimada dalka," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta gudoomiye Aadan Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM