Jahwareer siyaasadeed oo kasoo cusboonaadey maamulka HirShabelle

Image
Image

JOWHAR, HirShabelle – Qalalaaso siyaasadeed oo horleh ayaa wuxuu kasoo cusboonaadey HirShabelle xilli qorshuhu yahay in dhamaadka sanadkan ay dhacaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo afhayeenka baarlamaanka dowlad goboleedkaas, Cismaan Barre Maxamed, ayaa lagu waramay in uu u dhaxeeyo khilaafka oo u muuqda mid gaarey heerkii ugu sareeyay.

Wallow siyaasiyiinta mucaaradka maamulkaas ay shaki ka muujinayaan xasarada soo if-baxdey, illaa iyo haatan ma cadda wuxuu salka ku hayo ismaandhaafka.

Saacadihii lasoo dhaafay mudaneyaal kala taageersan labada dhinac, Waare iyo Cismaan Barre, ayaa miiska saarey [gudbiyey] mooshino iska soo horjeeda.

Cabdi Xuseen Geedi, gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada HirShabelle, ayaa qabtay soo-jeedin ay "saxiixeen" 60 sharci-dejiyeyaal kaasoo ka dhan ah gudoomiye Cismaan Barre Maxamed.

Qudhiisa, Cismaan ayaa shaaciyey in uu 50 Xildhibaan ka gudoomay mooshin ka dhan Waare oo uu si furan ugu eedeeyay "musuqmaasuq xoogan oo xargaha goostay, xadgudub dastuur iyo ku tagrifal awoodeed".

Isagoo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Jowhar, xukuumadda dhexe ayuu ka codsaday in ay soo farageliso mushkilada taagan, si xal waara loo helo.

"Beesha Caalamka iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in HirShabelle ay burbur qarka u saaran tahay, waxaa hareeyay musuqmaasuq, HirShabelle lacagteeda waa la lunsadey, waxaana dowladda federaalka ugu baaqayaa in ay wax ka qabato," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Siyaasiyiinta iyo falanqeeyeyaasha ayaa tuhunsan in is-haysadkan uu yahay "gacan-ku-rimis" isla markaana ujeedkiisu yahay sidii loo baajin lahaa doorashooyinka, talaabadaas oo ay si weyn uga digeen.

Doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka HirShabelle ayaa loo muddeeyay in ay qabsoomaan bilaha September iyo October ee sanadkan 2020. Kadib dilaaca Coronavirus, Waare wuxuu shaki geliyey arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM