James Swan oo khadka telefoonka kula hadlay Farmaajo iyo Shariif

Image
Wadaxaajoodyadan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay saaran tahay isgoys masiiri ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaashii hore Soomaaliya, Farmaajo iyo Shariif, ayaa khadka telefoonka kula hadlay ku simaha ergayga Qaramada Midoobay James Swan.

Wadahadalkan qabsoomay Isniintii shalay ayaa diiradda saarey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal loogu heli lama arrimaha cakiran ee taagan, sidda ay faafisay UNSOM.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA UNSOM

Ku-simaha  Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira.

Isagoo sii wada xiriirada uu la  samaynayo daneeyayaasha  Somaaliyeed ayaa  Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” oo ay ka wadahadleen is baddalladii  ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka.


Wadaxaajoodyadan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay saaran tahay isgoys masiiri ah kaas oo dhinacyadda isku-haya siyaasada ay isku khilaafsan tihiin arrimo waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM