James Swan oo khadka telefoonka kula hadlay Farmaajo iyo Shariif

Image
Wadaxaajoodyadan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay saaran tahay isgoys masiiri ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaashii hore Soomaaliya, Farmaajo iyo Shariif, ayaa khadka telefoonka kula hadlay ku simaha ergayga Qaramada Midoobay James Swan.

Wadahadalkan qabsoomay Isniintii shalay ayaa diiradda saarey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal loogu heli lama arrimaha cakiran ee taagan, sidda ay faafisay UNSOM.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA UNSOM

Ku-simaha  Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira.

Isagoo sii wada xiriirada uu la  samaynayo daneeyayaasha  Somaaliyeed ayaa  Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” oo ay ka wadahadleen is baddalladii  ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka.


Wadaxaajoodyadan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay saaran tahay isgoys masiiri ah kaas oo dhinacyadda isku-haya siyaasada ay isku khilaafsan tihiin arrimo waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM