James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Image
Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

NEW YORK, USA - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa waxa uu ku dhawaaqay magacaabista James Swan oo u dhashay waddanka Mareykanka kaas oo noqonaya Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo u dhalatay Ingiriiska, taasoo uu Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay uga mahadceliyay shaqada ay u qabatay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Mr. Swan waa dublamaasi waayo arag ah oo muddo dheer ku soo dhex jiray dalalka Afrikaanka ah ee wajahaya isbedello siyaasadeed oo adag. Waxa uu ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM ee 2019 ilaa 2022.

Kahor, waxa uu Dowladda Mareykanka ka soo noqday Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo 2013 ilaa 2016, Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya 2011-kii ilaa 2013, iyo Safiirka Djibouti u fadhiya 2008 ilaa 2011.

Swan waxa uu ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Afrika ee 2006 ilaa 2008, iyo Agaasimaha Falanqaynta Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2006.

Ka hor inta uusan qaban hawlahan, Mr. Swan ayaa shaqooyin kala duwan ku qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda Congo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

Mr. Swan waxa uu haystaa shahaadada B.Sc. oo uu ka qaatay Dugsiga Adeegga Dibadda ee Jaamacadda Georgetown, MA oo uu ka qaatay Dugsiga Johns Hopkins ee Daraasaadka Caalamiga ah ee Sare, iyo shahaadada Masterka ee Daraasaadka Amniga ee Kulliyada Dagaalka Qaranka, dhammaan gudaha Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM