Janan oo ka jawaabay wararka sheegaya "in uu baxsadey"

Image
Wasiirkii hore ee amniga Jubaland ayaa ku dhawaaqay in uu u sharaxan kamid noqoshada Golaha Shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Maxamed Nuur Janan, ayaa shaashadaha kasoo muuqdey ganafka ku dhuftay wararka ku saabsan in uu ka goostey Madaxtooyadda Soomaaliya.

Janan oo ka hadlay xaflad uu ku xaqiijiyey in uu musharax u yahay kamid noqoshada Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in uu kasoo guuray guriga uu ka deganaa afafaafka xarunta NISA.

"Soomaaliya waa dad wanaaga jecel laakiin wararka aad u faafiya. Waxaad baraha bulshada u aragteen warar aad isku khilaafsan. Shalay waxaad arkeyseen Cabdirashiid iyo dowladda baa is-khilaafsan, Cabdirashiid iyo dowladda ayaa heshiiyey. Hadda waxaad arkseen Cabdirashiid waa fakadey. Horta waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo aniga waa kanaa ma baxsan," ayuu hadalkiisa kusoo koobay.

Munaasabadda uu kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa Golaha Shacabka ayaa ka qabsoontey Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho. Janan wuxuu xalay ku baryey guriga mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimadda dalka.

Dhanka kale, Janan oo meesha ka saarey in uu jiro khilaaf shaqsi ah oo kala dhaxeeya madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ayaa iska fogeeyay in uu mar kale ku fekerayo dib ugu laabashadda abaabulida colaad.

"Macnaha wuxuu yahay xaafad baan deganaa xaafad kale ayaan soo degay hebel ayaan la dirir-sanahay ma ahan. In aan Cabdicasiis kasoo guuray oo aan Buulo-xuubey soo degay ma ahan in aan qof mucaarad ku ahay," ayuu xusay.

Madaxda maamul goboleedyadda, musharaxiinta iyo siyaasiyiinta ayuu waydiistey in ay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku gacan-siiyaan sidii uu dalka ugu jiheyn lahaa doorashooyin loo-dhan-yahay.

Intii uu ka hadlayey munaasabadda, Janan ayaanan ka hadlin halka uu ku dambeeyay heshiiskii uu la galay Villa Soomaaliya kaasoo warar soo baxaya ay tibaaxayaan in uu ka fuliyey waayey dhanka Farmaajo sababteyna guuritaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM