Jarmalka oo qabtay "haweenay ka tirsan Daacishta Soomaaliya"

Image

BARLIN, Germany – Dambi-baareyaasha Jarmalka ayaa qabtay haweenay ay sheegeen in ay xubin buuxda ka ahayd Daacishta Soomaaliya.

Carla-Josephine S. ayaa lagu soo oogay dacwad ah "kamid noqosho urur argagixiso iyo in ay koox xagjir ah ku biireysay saddex kamid Ubadkeeda".

Caruurta ayaa la sheegay in ay sanadkii 2015-kii u dhoofisay Suuriya. Seygeeda wuxuu waqtigaas ku guda jiray socdaal ganacsi.

Magaceeda dambe ayaa la qariyey. Balse booliska ma uusan sharaxaad ka bixin waxay keenay talaabadaasi naadirka ah.

Ilmaha ayaa waxay geysay xarumo ay leedahay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka, halkaas oo lagu xagjireeyay.

"Markii cunugeeda uu su'aallo ka waydiiyey waxay baranayaan waxay u sheegtay hogaamiyaha, kaasoo ciqaabay," ayaa lagu yiri warbixinta.

Wiilkeeda oo qaatay tababar milatari ayaa la dilay 2018-kii markii la duqeeyay goob uu kula sugnaa xubno kamid ah Daacish.

"Markii ay ninkeeda ku qancin wayday in uu ISIL kusoo biiro, 2016-kii waxay guursatay dagaalame ka tirsan Daacishta Soomaaliya," ayay raacisay.

Haweenaydan ayaa waxaa la xiray bishii April ee sanadkan 2019 ka gedaal markii ay ku laabtay Jarmalka, waxayna haatan wajaheysaa maxkamad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM