Jarmalka oo isha ku haya kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya

Image
Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee Jarmalka, Jochwn Flasbarth.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Xamse ayaa, sidda uu sheegay xafiiskiisa warfaafinta, waxa uu tibaaxay in Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka go'an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka.

Sidda ku cad qoraalka, waxa uu ka mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya, sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani'aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.

Flasbarth ayaa, sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, waxa uu dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey.

Dowladda Jarmalka ayuu tibaaxay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM