Jawaari oo aqbalay Mooshinka, beeniyeyna warar laga faafiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta markale la hadlay warbaahinta Muqdisho, isagoo ku dhawaaqay go'aan cusub.

Jawaari ayaa xaqiijiyay in Mooshinka laga soo gudbiyay uu buuxiyay Kooramka, isagoo siiyay Xildhibaanada Mucaaradka ah mudo 10 maalmood gudahooda ah in cod loogu qaado Mooshinka Xiisadda Siyaasadeed dhaliyay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamo aan sharci ahayn ay wali ku sugan yihiin Xarunta Gollaha Shacabka, kuwaasi oo Habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay lagu kordhiyay Ciidamo horleh, sida ay Wasaaradda amniga ay sheegtay.

Wuxuu ku baaqay in laga soo qaado Ciidamada cusub ee la duldhigay Dhisamaha Gollaha Shacabka, islamarkaana lagu soo celiyo kuwii hore ee Gudoonka Baarlamaanka ku ogaa inay sugaan amaanka xarunta.

Dhanka kale, Gudoomiye Jawaari ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu is-casilay, waxaana warkaasi uu ku tilmaamay mid riyo ah, oo uusan ku fekerin marna inuu xilka iska casilo.

"Cod baan ku imid Kursiga, oo aan Xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ku hayaa, hadii aan baxayana Cod kaliya ayaan ku baxayaa," ayuuu yiri Jawaari.

In Xilka laga qaado Jawaari waxay u baahan tahay saddex meelood labo meel Xildhibaanada Gollaha Shacabka [184 Mudane] inay u codeeyaan Mooshinka kalsooni kala noqoshada ee laga keenay.

Hadalka Jawaari ayaa timid kadib markii shalay Xildhibaanada Mucaaradka ku ah isaga oo la sheegay inay taageero ka helayaan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ay ka dalbadeen inuu is-casilo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa baaqjiyay Booqasho maanta uu ku tagi lahaa wadanka Qadar, si uu u dhex-dhexaadiyo Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex-taagan Hay'adaha sharci dejinta iyo fulinta. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM