Jawaari oo laga hor-istaagey inuu Kursi u tartamo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa laga hor istaagay inuu u tartamo kursiga uu ku fadhiyo ee Gollaha Shacabka, kaasoo degaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed.

Jawaari ayaa isaga soo tagey Baydhabo saakay, isagoo kusoo laabtay Muqdisho, waxaana la sheegay in kursiga uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay loo wadaa musharax kale oo Villa Somalia wadato.

Lafta-Gareen ayaa lagu eedeeyay inuu Jawaari u diiday ka qeybgalka Tartanka doorashadda Kursiga Gollaha Shacabka, iyadoo uu fulinayo sida la sheegay amar uga yimid Villa Somalia.

Doorashadda ka socota hadda dalka waxaa lagu tilmaamay inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnaa, waxaana ay noqdeen kuraasta kuwa lakala boobayo, oo Maamulada madaxdooda ay sameynayaan musuq-maasuq.

Musharixiin badan ayaa loo diiday inay tartamayaan, waxaana ugu dambeeyay Jawaari iyo Jen Tuuryare, oo horey usoo noqday taliyaha NISA, kaasoo kursigiisa maanta uu ku guuleystay Yaasiin Farey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM