​Jeedinta khudbadaha murashaxiinta oo maanta ku eg

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta lasoo afmeerayaa jeedinta khudbadaha murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia taasoo todobaadkii hore ka bilowday caasumadda Somalia ee Muqdishu.

Dufcad kamid ah saddex qaybood oo loo kala jajabiyay 24 murashax oo horay u buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ayaa maanta hortagi doonta golaha Barlamanka si ay usoo bandhigaan taariikhda iyo wax-qabadkooda.

Ragga maanta hortagi doona Barlamanka, waxaa kamid ah Ra'isal wasaarihii hore Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake kaasoo muddooyinkii dambe hoos u dhac ballaaran ku yimid ololahiisa doorashada.

Waxaa sidoo kale kamid ah Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo guddoomiyihii hore gobolka Banaadir.

Dadka lasocda arrimaha Somalia ayaa qaba in xubnaha saamayn xooggan ku lahayn doorashada Madaxweynaha iyo loollanka loogu jiro kasbashada Xildhibaanada.

Balse, waxaa meesha ku jirta qadar iyo qofka noqon kara Madaxweynaha Somalia inuu xag rabbi ka qoranyahay taasoo meesha ka saari kasta saadaasha ay bixinayaan dadka odorashada arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale maanta waxaa laga yaabaa in khudbadjeedinta uu ku soo biiro Axmed Maxamed Cabdi oo qorshuhu uu ahaa in Khamiistii uu jeediyo khudbadiisa, kaasoo cudur daar sheegtay Khamiistii inuu hor yimaado golaha Barlamanka Somalia.

Khudbad jeedinta kadib ayaa loo ballansanyahay in la qabto doodda murashaxiinta oo si toos ah looga daawan doono muqaal baahiyaasha Somalida.

Magacyada xubnaha khudbadda maanta jeedin doona;

1.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

3.Maxamed Axmed Jabarti

4.Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

7.Maxamed Cabdirasaaq

8. Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM