​Jeedinta khudbadaha murashaxiinta oo Muqdishu kasocota

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta si toos ah magaalada Muqdishu uga bilaabatay jeedinta khudbadaha murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia oo ay ku loollamayaan in kabadan 20 qof oo qaybtood xilal kasoo qabteen dalka.

Sida Guddiga doorashada Madaxweynaha horay u shaaciyeen waxaa maanta loo ballansanaa inay khudbadaha jeediyaan 8 murashax inkastoo uu cudurdaartay mid kamid ah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdi.

Guddoomiyaha golaha shacabka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulanka furay, wuxuuna deeq lacageed oo kamid ahayd middii murashaxiintu isku diiwaangaliyeen ku wareejiyay Guddiga abaaraha Somalia, taasoo horay loo ballanqaaday.

Mudane Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in fadhigan soo xaadireen 208 mudane, waxaana goobta lagu dhaariyay Xildhibaano Cusub.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Ducale Bayle, ayaa xusay in murashax walba uu haysto 30 daqiiqo oo uga warami doono taariikhdiisa iyo waxa uu qaban doono.

Murashax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee khudbad ka hor-jeediyay Barlamanka Somalia.

Xubnaha kale ee jeediyay khudbadaha, waxaa kamid ah Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Siciid Cabdullaahi Deni, Siciid Ciise Maxamuud, Bashiir Raagge Shiiraar. Xubnahaas qayb kamid ah way jeediyeen.

Jeedintan ayaa socon doonta muddo saddex bari ah, waxaana tallaabadan kusoo aadaysa xilli 6 bari oo qura ka hartay waqtigii la dooran lahaa Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM