Jeesow: Xayiraada hubka ayaa caqabad ku ah tayeynta ciidamada Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ka hadlay weerar jidgal ah oo ay Ururka Al-Shabaab shalay ay kula beegsadeen degaanka Dhanaane saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka.

Weerarkaas oo loo adeegsaday qarax Miino ayaa lagu khaarijiyay Cabdi Salaan Sheekh Daahir, Abaanduulihii guutada 12-ka April, iyo Col Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse, madaxa lacagta guutada 1aad.

Goobta lagu beegsaday saraakiishaan waxaa labo bilood kahor lagu dilay Taliyihii guutada 12-ka April iyo Abaanduulihii qaybtaasi taasi oo calaamad su’aal gelineysa inay dowladu awood u leedahay madaxdeena.

Xildhibaan Jeesow ayaa qaba in tani ay dharbaaxo kulul ku noqoneyso askarta, maadaama hadii mar kasta la dilo hogaankooda ay ka qaadi karaan niyad-jab, sabab inay difaaca qaranka joojiyaan.

"Ciidan hadii hogaankiisa la dilo mushaakilkiisa wuu banayaan," ayuu yiri mudanaha, kaasi oo hadalkiisa ku daray "Waa in la tayeeyaa, oo la siiyaa qalabka uu uga badbaadiyo waxyaabaha noocaan ah [qaraxyada]".

Somalia waxaa saaran xayiraad dhinaca Hubka, taasi oo aanan u suurtagelineyn inay soo iibsato Hub culus si ay ugu adeegsato gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish-ta dalka kusoo korodhay.

Sharcidejiyaha oo sii hadlaya ayaa shaaciyay in mudada ay dalku saaran tahay cunaqabeynta uu kusoo rogay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay aanan la helayn ciidamo xoogan oo tayo iyo tiraba leh, oo uu yeesho qaranka.

"Ogaada dalkaan dagaal ayuu ku jiraa…isagoo uu dagaal ku jiro ayuu cunaqabateyn caalami ah saaran tahay..oo aan ciidamadeena ka teyeysan la’ nahay," ayuu Jeesow hadalkiisu daba dhigay.

Dowlada Somalia ayaa marar badan u gudbisay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay dalab ah in laga qaado xayiraada, taasi oo ay ku hun-gowday, xili loo kordhiyay dabaqaayada sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM