Jeneraal Galaal oo ku dhintay weerarka Afrik hotel

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu kamid yahay dadkii lagu dilay weerarka Afrik hotel.

AUN Jeneraal Galaal waxaa la sheegay in markii hore laga soo badbaadey hotel-ka, laakiin saacado kadib uu u dhintay dhaawac soo gaarey, sidda ay xaqiijinayaan illo xog ogaal ah.

Rag hubeysan ayaa gudaha galay kadib markii qarax ay kusoo furteen albaabka hotel-ka abaare 11 saac galabnimo Axadii shalay, iyadoo xiligaas gudaha ay ku sugnaayeen Mas'uuliyiin dowladeed, taliyeyaal Ciidan iyo Xildhibaanno.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Odayaasha Beelaha Hawiye ay ku shirayeen hotel-ka, kuwaasoo ka hadlayay arrimaha maamul u sameynta gobolka Banaadir, oo dood ay ka taagan tahay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Afrika hotel oo dhacay xilli mid kamid ah safaaradaha degan Xalane ay bixisay digniin la xiriirta in 72 gudahooda Al-Shabaab qarax uga fulinayso Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaan si degdeg ah uga jawaabin digniinta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshadda loona gudbiyey siyaasiyiinta iyo musharaxiinta madaxtinimadda.

Jeneraal Galaal ayaa dowladdii Cali Mahdi ee 1991-kii ka noqday Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo taliyaha Ciidanka ka noqday dowladdii KMG ee C/qaasim Salaad Xasan, ee lagu soo dhisay Carta 2000-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM