Jeneraallo ciidan iyo Askar kale oo qarax lagu dilay [Magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii guutada 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cumar Aadan [Cumar Dheere] iyo taliyayaal kale ayaa lagu dilay qarax maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinceeda lagu aasay ayaa ka dhacay degaanka Dhanaane kaasoo lala eegtay kolonyo ay la socdeen Jeneraal Cumar Dheere iyo Abaanduulaha guutada 12- April, Cabdi Cali Jamaame.

Wararka ayaa sheegaya in Jeneral Cumar Dheere uu u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaarey qaraxa, kaasoo isla goobta ku dilay Abaanduule Cali Jamaame iyo dhowr Askari, oo ilaalo u ahayd.

Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay Saraakiisha sare ee katirsanaa Militeriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mas'uuliyiint dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaanan wali ka hadlin qaraxa lagu dilay hogaankii guutada 12-ka April, oo ka howlgasha gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore markii la doortey sanadki tagey shaaciyay inuu guluf dagaal ku qaadayo Al-Shabab, oo dalka laga saari doono, balse balan-qaadkan ayaa u muuqda mid aan wali mira-dhalin.

Al-Shabaab ayaa ku awood badan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo la rumeysan yahay inay kasoo abaabusho qaraxyada ay ka fuliso Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM