Jidgooyinkii kooxda AS ee duleedka Muqdisho oo soo rogaal-celiyay

Image
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa la sheegay in ay isbaaradan ku qaadayaan lacag u dhaxeysa $3,000 illaa $15,000.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dib-u-soo-celiyay jigdooyooyinkii u yaallay duleedka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen afar illo wareedyo kala duwan.

Jidgooyooyinkan ayaa ku kala yaalla duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo hoostaga maamulka HirShabelle iyo degaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed.

Labo illo wareed oo ku dhow mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa warsidaha GO u sheegay in soo rogaal-celintan ay ka dambeysay kadib markii kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay hanatay 40% dhulkii hore looga saarey.

“Lacag baad ah oo u dhaxeysa $3,000 illaa $15,000 ayay kooxda argagixisada ah ka qaadeysaa gaadiidka iyo ganacsatadda halkaas si joogto ah u adeegsata. Lacagtan waxay sidoo kale ka sameeyaan afduub,” ayay xuseen.

Labadan illo wareed oo codsadey in magacyadooda aan la adeegsan sababo ku aadan in loo ogoleyn in ay la hadlaan saxaafadda ayaa carabka ku dhuftay in hogaanka dalka “uu si buuxda uga war hayo xaaladan”.

Sidoo kale, labo ruux kale shacab ah oo ka kooban - darawal baabuur iyo ganacsade - soona maray jigdooyooyinkaas ayaa warsidaha Garowe Online waxa ay u xaqiijiyeen jiritaanka isbaarooyinkaas.

Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay laamaha ammaanka  Soomaaliya si wax looga waydiiyo mawduucan waxa ay sheegeen in aysan waqti-xaadirkan u diyaarsaneyn ka jawaabida macluumaadkan.

Soo-rogaal-celinta jidgooyooyinkan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xilli uu hakad ku yimid howlgalada safka ballaaran ee ciidamadda Soomaaliya ay ku beegsanayeen Al-Shabaab dhowrkii bilood lasoo dhaafay.

Hakadkan ayaa kooxda Al-Shabaab waxa uu u abuuray fursad ay dib-isugu-abaabulaan, sidda ay sheegeen khuburada dhanka ammaanka. Dib-isku-abaabulkaas waxaa muuqaneysa in ay qeyb ka tahay sameynta dhaqaale.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal dhaqaale ku qaadey kooxda. Todobaadkii hore, xukuumadda federaalka waxa ay warisay in ay xayirtey in ka badan $1 milyan oo maleyshiyadda ay marsiisaneysay akoono kala duwan.

Sikastaba ha ahaatee, kahor gulufka maamulka Xasan Sheekh, dakhliga bilaha ah ee mitidiinta Al-Shabaab ayaa la qiyaasay inuu gaarayay wax ka badan $15 milyan. Hase ahaatee, dardarta haatan socota way kasii kordhin kartaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM