Jilayaasha "siyaasada beenta ah oo kharibeysa" Soomaaliya

Farmaajo iyo Rooble ayaa muuqaneysa in ay isku aragti ka yihiin boobka doorashada. [File Photo: Villa Somalia]

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo iyo Ra'isal  wasaare xilgaarsiinta Rooble waa "jilayaasha siyaasadda been abuurka ah ayaa Kharibeysa Somalia ," sidda uu shaaca ka dhigay Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaankii 10aad oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacdey Muqdisho ayaa Farmaajo iyo Rooble ku eedeeyay "in ay ka been-sheegeen" maxsuulka shir ay ka yeesheen qadiyado hor-tabin u leh dowladnimadda.

Iyada oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoonka labada Aqal ee dalka, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa April, 2019-kii waxay faafisay in Farmaajo "heshiisiiyey" labadda afhayeen. Balse, Xaashi wuxuu hadda sheegayaa in laga been-abuurtay.

Mar kale iyada oo muran xooggan ka jiro qaabka loo maamulayo kuraasta gobolada waqooyi, xafiiska Rooble ayaa 1-dii August, 2021 baahiyey in Xaashi uu dalbadey hal maalin dheeri ah si loo xaliyo is-mar-waaga. Hase ahaatee, wuxuu sheegayaa in uusan codsan maalin balse uu u sheegay in uu latashiyo aadayo.

"Waxay kamid tahay siyaasadda been abuurka ah ee dalkan lagu kharibiyo," ayuu Xaashi raaciyey, isaga oo ka dhawaajiyey in Rooble uu si toos ah uga dalbadey in uu maamulo kuraasta gobolada waqooyi balse uusan marnaba aqbali karin taasi.

Afar sano oo dastuur jebin ah

Inkasta oo Madaxtooyada iyo laanta fulinta aysan wali ka jawaabin eedeyntan, haddii la xaqiijiyo dhacdooyinkan halka jiho wada leh, waxay marag-fur-u-noqoneysaa in Rooble uusan dhexdhexaad ahayn una jaranjeero dhinaca Farmaajo.

"Afartaas sano ee Aqalka Sare uu jiray marna Farmaajo ma uusan u leexan dhinaca dastuurka anigana waan ku diidayey dastuur jebintaas," ayuu ka dhawaajiyey guddoomiye Xaashi kaasoo intaas sii raaciyey: "Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ma doonayo in uu si dimuqraadi ah xilka ku wareejiyo. Waa kii sida sharci darada ah ugu darsadeyy laba sano.

Lix wadaxaajoodyo oo madaxda Soomaalida ka yeesheen arrimaha doorashooyinka si gaar ah kuraasta goboladda waqooyi ee labadda Aqal ayuu xusay in uu Farmaajo uu ka hor-istaagay ka qeybgalka "way noo cadahay in uu isagu diidey".

Xulista wakiilada Somaliland ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waa qodobka kaliya ee muranka ugu culus ka taagan yahay doorashada ka bilaabatay Soomaaliya. Hase ahaatee, is-qabqabsigan wali jira wuxuu gelinayaa shaki.

Maamulka Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu dedaal badan ku bixinayo sidii uu u boobi lahaa kuraasta qaar ee mudaneyaasha labada gole si ay ugu soo baxaan shaqsiyaad daacad u ah Farmaajo, waxaana caqabad ku tahay geedi-socod xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM