Jubaland: Caruur walaalo ah ku dhintay qarax

Image
Falkan ayaa lagu waramay in uu maanta ka dhacay degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

KISMAAYO, Jubaland – Ugu yaraan laba caruur walaalo ah ayaa la sheegay in ay ku nafwaayeen markii ay qaraxdey walax la sheegay in ay ku cayaareen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka ammaanka ah una waramay warsidaha Garowe Online.

Falkan ayaa lagu waramay in uu maanta ka dhacay degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in dhacdadan ay ku dhaawacmeen lix caruur kale oo saaxiibo la ahaa walaalaha geeriyoodey kuwaasoo haatan la daaweynayo.

"Caruurta waxay walxaha qarxa markii horey ay kasoo qaadeen duleedka degaanka. Nasiib darro, waxay ku qaraxdey markii ay gudaha lasoo galeen gaar ahaan agagaarka xaafadooda," ayuu yiri sarkaal boolis oo magaciisa ka gaabsadey.

Maamulka degaanka oo tacsi u diray ehelka ay caruurtaas ka geeriyoodeen ayaa ugu baaqay waalidiinta degaanka in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda.

"Waalidiinta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay badqabka caruurtooda. Waan dareemaynaa xaalada dalka ku jir iyo cimiladda. Sidaas darteeda, waa in ay mas'uuliyadaas qaataan," ayuu yiri mas'uul sare.

Inta badan degaanadda Soomaaliyeed ee ay ka dhaceen dagaaladii sokeeye waxaa aad looga soo wariyaa dhacdooyinka noocaan ah maadaama qaybo kamid ah ay yaaliin haraadiga hubkii ay isku adeegsadeen dhinacyadii sida ba'an ugu diriray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM